Taliye katirsan Hay’adda NISA oo Qarax lala beegsaday

Qarax miino ayaa lala eegtay Taliyaha Hay’adda NISA ee degmada Buurhakaba ee Gobalka Baay oo lagu Magacaabo Xuseen Dhuubow iyo Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim & askar, kuwaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca mas’uuliyiintaan oo la sheegay in uu yahay mid fudud.

laamaha Amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay weli si faah faahsan ugama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

Idilnews