Wasiir Dhabancad oo la kulmay Wafti ka socda QM

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saakay xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka soctay Xafiiska Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM). Masuuliyiinta oo uu hogaaminayey Agaasimaha hay’adaha amniga iyo sharciga Mr Marco Carmignani, uuna weheliyey La taliye Sare ee arrimaha amniga Mr Jeffrey Sims, Madaxda UNSOM ee Puntland Mr Guy iyo Sarkaalka arrimaha Siyaasadda ee UNSOM Puntland Mr Abdiazis.

Waftiga ayaa uga warbixiyey Wasiirka ujeedka safarkooda ay ku yimaadeen Puntland, halka Wasiirkuna uga warbixiyey xaaladda gudaha Puntland; horumarka laga gaarey dhinacyada, amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland iyo waliba xaaladda bini’aadantinimo ee gudaha Puntland.

Idilnews