Afgembi fashilmay oo ka dhacay Dalka Sudan

Warbaahinta Maxaliga ee dalka Sudan ayaa sheegay inay Koox ka tirsan Milliteriga dalkaasi isku dayeen inay Talada dalkaasi la wareegaan.

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi Suudaan Qorsal ayaa soo dhigay Bartiisa Facebook in dadka Reer Sudan uu ugu baaqayo inay isku soo baxaan, si ay u difaacaan dalka iyo inay badbaadiyaan Xilliga Ku-meel-gaarka.

War haatan ka soo baxa Golaha haya Talada dalkaasi ee TSC ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen Isku-dayga Afgembiga, isla markaana ay iyaga si buuxda gacanta ugu hayaa Talada dalka.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay Isku-dayga Afgembiga fashilmay iyo Saraakiisha hoggaaminaysay Hawlgalka Afgembiga fashilmay.

Idilnews