Akhriso: Liiska musharraxiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka kooban 25 musharax, oo uu ku jiro Guddoomiye Cabdi Xaashi oo aan lagula tartameyn Kursiga.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Prof, Cabdi Ismaaciil Samatar, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe iyo Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.

Idilnews