Amniga magaalada Garoowe oo si weyn loo adkeeynayo (VIDEO)

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay Amniga Guud ee Caasimadda.

Shirka ayaa waxaa goob-joog ah Duqa Dagmada Garowe,Masuuliyiinta Maxkamaddaha, xeer ilaalinta, Taliyayaasha saldhigyada, iyo guddoomiyayaasha xaafadaha Magaladda.

Muhiimadda Shirka ayaa ahaa sidii loo Dar-dar galin lahaa wada shaqaynta hay’addaha Amniga iyo Gudoomiyasha Xafadaha iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cid kaste oo qatar ku ah Amniga Caasimada Puntland.

Uga danbayntii Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa shacabka uga baaqay in ay ka qeyb qatan sugida Amniga lan shaqeyn Ciidamadda.

Idilnews