Mareykanka oo ka digay gacan ka hadal ka dhasha khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay xalliyaan khilaafka haatan ka dhex taagan si loo ilaaliyo xasiloonida dalka.

Mareykanka ayaa sheegay in wadashqeynta Farmaajo iyo Rooble ay tahay arrin muhiim u ah dardangelinta dhameytirska hanaanka doorashada dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka fogadaan qoraallada iyo ficilada xaaladda sii kicinaya si ay u xalliyaan khilaafka ka dhashay magacaabista saraakiisha dowladda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu awoodda Ra’iisul Wasaaraha laalay, taas oo Rooble uu diiday.

Khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay kadib in muddo ah la la’aa. Shabaabka ayaa haseeyeeshee beeniyay.

Idilnews