Puntland oo taageeraysa ganacsatada maal-gashanaysa deegaankeeda

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay dar-dargalinta arrimaha Ganacsiga ee Gobolka iyo sidii loo taageeri lahaa ganacasatada maal gashaneysa dalka.

Waxa qeyb ka ahaa kulanka Agaasimaha Fayadhoorka Dowladd Puntland Iyo isuduwaha wasaraada Ganacsiga Gobolka Bari.

Guddomiye mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa wasiirka iyo wafidigiisa kusoo dhoweeyey xafiiska waxa uuna uga warbixiyey xaalada guud ee Gobolka Iyo hormarka socda sidii loo xoojin lahaa.

Idilnews