Qaadashada kaararka codbixiyaasha Puntland oo maalintii labaad socota (VIDEO)

Waxaa maalintii labaad ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn qaadashada kaararka cod-bixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland, kuwaas oo la siinayo dadkii horey isku diiwaangeliyay.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in bixinta kaararkan oo soo bilaabatay Isniintii shalay aheyd ay socon doonto ilaa 27 bishan September. Dadka qaata kaararkan ayaana codeyn doona Doorashooyinka lasoo hormariyay ee Puntland oo ay ku loolami doonaan 9 Urur siyaasadeed.

Deegaanada Puntland ayaa 25 bisha soo socota ee October, markii ugu horeysay ay ka dhacaysa doorasho qof iyo cod ah, waxaana si hordhac ah loogu qaban doonaa sddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn, kuwaas oo dadka kunool ay soo dooran doonaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka degmooyinkaas.

Idilnews