Shir looga hadlayo daryeelka Ciidanka Puntland oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)

Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ayaa qabatay shir ku saabsan ka doodida Siyaasada Daryeelka Ciidamada Dawladda Puntland. Shirkan ayaa waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland waxaana kasoo qeyb galay Wasiir xigeenada Wasaaradda Amniga iyo DDR, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha, la taliyayaasha Wasaaradda Amniga iyo taliyaayaasha talisyada Ciidamada kala duwan ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu marti qaaday shirka Wasaaraddaha Cadaaladda, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta.

Siyaasadan ayaan waxay xooga saari doonta sidii ay ciidamadu u heli lahayeen iyaga iyo qoysaskooda daryeel ku filan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, kor u qaadida nolosha qoysaskooda, samaynta sanduukha daryeelka ciidanka, dhismaha isbitaalka ciidanka iyo ka war qabka agoomaha ciidamada.

Idilnews