Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu amray inay deg-deg uga baxaan Turkiga

Booliska magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa 16-kii bishan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shalay oo talaada ah lasoo daayay,.

Ganacsatada ayaa waxaa loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.

Safiirka Soomaaliya ee magaalada Ankara Ambassador Jaamac Caydiid ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay dacweeyeen dadka Xaafada ay ku Ganaxsanayeen, balse dadaal farabadan ay sameeyeen kusoo daayeen.

Safiirka oo la hadlay voa-da waxaa uu sheegay in sababaha dadkaan loo xiray ay aheyd in ay dalkaasi ku tageen Viisooyin Dalxiis iyo kuwa Ardaynimo, isla markaana dalka Turkiga aan laga ogoleyn.

Ugu dambeyn Safiirka waxaa uu sheegay in guddiga Ganacsatada Soomaalida ay u sheegeen in dadka la xirxiray dhowr jeer loo keenay digniino kala duwan lagana dalbaday inay Sharciga wadanka ku joogaan ka dhigtaan mid Shaqo, balse ay ku adkaatay.

Idilnews