Puntland oo heshiis la gashay Shirkad dayactiraysa waddo muhiim ah (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa heshiis la gashay Shirkadda Shire oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Deegaanada Puntland.

Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixday, waxaa Dowladda Puntland uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud, iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib u dayactirka Waddada isku xirta Garoowe iyo Faleydhyaale.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’antahay dib u dhiska Dalka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Todobaadkii hore ayaa la dhagax-dhigey :

1- Waddada Midi-gar.
2- Buundada Qayaadsame
3- Waddada kalabayr Boosaaso
Iyo sideed Buundo oo u dhexeeya Garoowe iyo birta dheer, sidoo kale, todobaadkan waxaa la dhagax-dhigey dayactirka iyo dhismaha Waddada u dhaxeysa Xarfo illaa Jalam.

Idilnews