Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Marka

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay garaash ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Shabelaha Hoose, kaas oo sababay khasaare nafeed.

Jugta qaraxan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Marka ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka burbur xoog leh uu u geystey goobtii uu ka dhacay.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintey nin caan ka ahaa magaalada Marka oo magaciisa lagu sheegay Saciid Jalbow, Balse lama oga inuu ahaa qofka qaraxa diyaarinayay iyo in kale.

Idilnews