Shir looga hadlayo xoojinta Amniga oo lagu qabtay Boosaaso (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta kulanka amniga la qatay Taliyahasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga Bosaaso iyo isku xiritaanka Booliska iyo bulshada xafadaha magaladda.

Taliye Xuseen ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeyeen xaafadihii loo igmaday.

Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashoyinka timaada xafadaja ay xukumaan.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Sarakiisha iyo gudoomiyaasha Xaafadaha in si dhab ah ay u xaqiijiyaan amaanka oo bulsha markii ay la soo xiriraan ay uga jawabaan.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Bosaaso kuna amaanay sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari isagoona ugu baaqay in intaas ay ka badiyaan oo ay soo shegaan sharwadaha dhibateenaya amniga si ay gacan biri ah ugu qabtaan Booliska.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.