Gaadiidkii u kala safri jiray Muqdisho iyo Marka oo la joojiyay

Laamaha amniga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta si KMG ah u joojiyay gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaalada ee usoo Safri jiray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ma jiro waqti rasmi ah oo laamaha amniga Marka ay u qabteen dib u fasixida gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaaladaas ee soo aadi jiray Muqdisho, waxaana gaadiidley safarka lagu wargeliyay in la joojiyay ka bixitaanka Marka.

Taliyaha Ururka 14-aad ee Guutada 14-ka Octoober ee xoogga dalka Gaashaanle Cabdiraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in baaritaano iyo Tirakoob ku sameeyn doonaan gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee safarka uga baxa Marka.

Arintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysa, iyada oo duhurnimadii shalay Qarax miino uu ka dhex dhacay Garaash lagu sameeyo gaadiidka oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee Marka, ayna ku qaraxday Ninkii diyaarinayay oo horey laamaha amniga u xireen, balse la sii daayay.

Idilnews