Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka wada-hadlay Doorashooyinka DFS

Waxaa maanta Aqalka Madaxtooyada Jubbaland ka dhacay shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Suldaan Cabdiqadir Xaaji Maxamuud.

Shirkan oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha golaha wasiirada Jubbaland ayaa waxaa ugu horreyn warbixin ku saabsan xaaladda Siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka looga dhagaystay Mudane Cabdiqadir Xaaji Maxamuud Madaxweyne ku xigeenka 2-Aad ee Jubbaland.

Waxaa sido kale inta uu shirka socday warbixinno laga dhagaystay Wasaaradaha kala ah Amniga gudaha, Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, Deegaanka iyo dalkiiska iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Jubbaland, dhamaantood waxay soo bandhigeen warbixino iyo xogo muhiim ah oo la xiriira shaqooyinkii loo igmaday.

Markii uu shirka soo idlaaday waxaa Warbaahinta Jubbaland la hadlay Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo sharrwxay xogaha la isku dhaafsaday shirka.
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland ahna Kusimaha Madaxweynaha Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa Golaha wasiirada Jubbaland faray in shaqooyinka ay bulshada u hayaan ay sii laba jibaaran.

Idilnews