Maxkamada ciidamada DFS oo xukun ku ridey ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab (VIDEO)

Makamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa min 15-Sano oo Xabsi ciidan ah ku xukuntay, Daren Antonia Brnes oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Cali oo kasoo jeeda wadanka Malaysia.

labadaan nin ayaa sida ay Maxkamaddu sheegtay loo heystaa kamid ahaansha kooxda ka dagaalanta Soomaaliya, iyagoo sifo sharci-darro ah dalka kusoo galay.

Idilnews