Soomaaliya iyo Indonesia Iskaashiga ganacsiga iyo maal-gashiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin oo ay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Dhinacyadu, waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kale na aynnu muddo dheer la lahayn xidhiidh soo jireen ah oo la xidhiidha dhinacyada Ganacsiga.

Idilnews