Xukun dil ah oo lagu riday Donald Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga

Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah.

Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xidhiidha ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA.

Garsooraha xukunka ku dhawaaqay, oo lagu magacaabo Riyaad al-Ruzaami, ayaa sheegay in dhammaan dadka dilka lagu xukumay sidoo kale laga doonayo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta.

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ayaa kusoo aaday xilli dhawaan sagaal qof lagu fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday.

Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii Talaadada.

BBC

Idilnews