Ciidanka AMISOM oo qarax lagula beegsaday Mahadaay

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa lala eegtay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Burundi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Ciidamo saarnaa gaari kamid ah Kolonyada oo kusii jeeday Mahadaay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaaay ku sheegteen in qaraxii ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi, halka kuwo kalena dhaawac uu soo gaaray.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in uu gebi ahaan gubtay gaari nooca gaashaaman oo ay saarnaayeen Ciidanka geeriyooday oo socdaal ku marayay deegaanka Buurane oo qiyaastii 3-KM ujira Mahadaay.

Al-shabaab ayaa marar badan qaraxyo miino ah la beegsaday Ciidanka AMISOM oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hoose ee Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana Ciidamada AMISOM weerarada kasoo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Idilnews