Ciidanka Puntland oo howlgallo ka sameeyay Boosaaso

Ciidanka Amniga Puntland ee PMPF ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa ka dhan ahaa kooxaha Argagixisada ah, waxaana Ciidammadu baaris ku sameeyay gaadiidka iyo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Ciidanka PMPF Puntland, ayaa lagu sheegay in yoolkii laga lahaa howlgalka lagu guuleysta, iyagoo intaas ku daray inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Argagixisada.

Idilnews