Madaxweyne Deni “Farmaajo bishii May ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku wareejiyay Doorashooyinka iyo Amniga” (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Farmaajo uu bishii May meel fagaare ah uu Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay mas’uuliyadda Doorashooyinka iyo Amniga, isagoona ku tilmaamay nasiib darro in maanta khilaaf taagan yahay.

“Madaxweynuhu bishii Maay ayuu si cad sheegey in uu amniga iyo doorashooyinka Raysal Wasaaraha ku wareejiyey, wixii lagu heshiiyey in laysku khilaafo waxay ceeb ku tahay dadkii heshiis kaas galay, madaxweynaha waxaan u soo jeedinayaa in uu siduu ballanqaaday uu Raysal Wasaaraha u madax baneeyo”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaaraha lagu taageero hirgalinta doorashooyinka iyo Amniga dalka.

Idilnews