Maxkamadda caalamiga ah ee ICC oo qabatay dacwad ka dhan ah Farmaajo (VIDEO)

Ururka ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwac ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

Guddoomiyaha ururka qareenada Soomaaliyeed ee Qurbajoogta Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay ka aqbashay qabashada dacwaddan, isla markaana ay jawaab ka heleen inuu gaaray dukumiintiga, balse ay ku xiran tahay sida ay fursadooda tahay oo ay kiisaska u kala horumarin lahaayeen.

“Maxkamadda Dabmiyada Caalamiga way naga aqbashay afarta kiis ee kala ah: Ikraan Tahliil, xasuuqii Baydhabo, Cunaqabateynta Jubbaland & Dhalinyaradii Eretareeya loo qaaday oo Mareykanka & Qaramada Midoobay qiran yihiin ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Ismaamulka Tigray, Waxaa baaris ku wadnaa Xasuuqii ka dhacay Dhuusamareeb, Bariire iyo kufsi ka dhacay Doolow iyo Buulo Xaawo” Ayuu yidhi Garyaqaan Yuusuf.

Idilnews