Puntland: Qaadashada kaararka cod-bixiyayaasha oo maalintii 6-aad socota

Waxaa maalintii lixaad ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn qaadashada kaararka aqoonsiga cod-bixiyayaasha doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka Puntland.

kaararkan ayaa la siinayaa dadkii horey isku-diiwaangaliyay, kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo ay kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka, sida ay sheegeen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Guddiga TPEC ayaa sheegay in bixinta kaararka ay soconayso ilaa 27 bishan September. Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bisha soo socota ee October u dareerayay doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah ee ka dhacda Puntland, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed.

Idilnews