Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Villa Somalia

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaweyd ka dhacay Isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhow mid kamid ah afaafka hore ee madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka qaraxa ku dhintay ayaa isugu jira Askar iyo shacab.

Laamaha Ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada dadkii ay waxyeelado soo gaartay, waxaana sidoo kale ay damiyeen dab ka kacay gaadiid qaraxa uu qabsaday.

Idilnews