Shirweynaha daah-furka olalaha Ururrada siyaasadda Puntland oo ka dhacaya Garoowe

Waxaa maanta lagu qabanayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland Shirweynaha daah-furka olalaha Ururada siyaasadda Puntland, kaas oo ay ka qeybgalayaan Hoggaanka 9 Urur, Bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda deeq-bixiyayaasha.

Madaxweynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo daah-furaya olalahan ayaa la filayaa inuu ka jeediyo shirweynahan khudbad uu uga hadlayo hanaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, oo xukuumaddiisu ay galisay dadaal badan hirgalinteeda.

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa lagu wadaa inay berrito ka bilowdaan olalaha Uruurrada siyaasadda Puntland, kuwaas oo qabsanaya banaanbaxyo ay ku muujinayaan qorshayaashooda iyo baaxada taageerayaashooda ay kusoo bandhigayaan, iyadoo 25 bisha soo socota ee October ay shacabka saddexda degmo u dareerayaan doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka.

Idilnews