Taalibaan oo xukuno adag ka bilaabeysa dalka Afghanistan

Taliyihii hore ee caanka ahaa ee bilayska diinta ee Taliban ayaa sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka bilaaban doonaan dalka Afghanistan oo ay qabsadeen.

Mullah Nooruddin Turabi, oo hadda mas’uul ka ah xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay “lagama maarmaan u tahay amniga”.

Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, maaddaama dhaqaankaas uu ahaa mid ka jiray maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii.

Laakiin wuxuu meesha ka saaray carada ay dadweynaha ka qabeen dilalkii hore ay kooxdu u fulisay, waxaa uuna yiri “Qofna noo sheegi maayo waxa sharcigeennu noqonayo.”

Tan iyo markii ay awoodda Afgaanistaan la wareegeen 15-kii Ogosto, Daalibaan waxay ballan qaadayeen xukun iyo aragtiyo ka fudud kuwii ay hore u haysteen.

Idilnews