Wasiirka Amniga XFS oo si kulul u cambaareeyay Qaraxii Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagixadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir

“Waxaan cambaareynayaa falkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka ayaa qoysaskooda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii ku geeriyooday weerarkaas bahalnimada ah.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee ku naf waayay falkaas bahalnimada ah ee argagixisadu geysteen, anigoo Eebbe uga baryaya in uu naxariistii janno ugu deeqo, ehekoodiina Samir iyo iimaan ka silyo. Waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.”

Wasiirka ayaa sheegay in falalka noocan ah ee argagixisadu uga gol leeyihiin cabsi gelinta iyo carqaladeynta amniga aysan marnaba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka horjoogsan doonin dadaalka ay ugu jiraan xaqijinta amniga dalka, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dowladda ku gacan siiyaan cirib tirka cadowgan u soo tafa xeytay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.”

Idilnews