WFP oo jareysa raashinka ay siiso Qaxooxtiga ku nool Kenya

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa ku dhawaaqday inay jarayso raashinkii ay siin jiray 440,000 oo qaxooti ku nool dalka Kenya, kaddib dhaqaale xumo soo wajahday Hay’adda.

Warbixin ay soo saartay WFP ayay ku sheegtay in Hay’adda aysan helin dhaqaalihii ay bixin jireen deeq-bixiyayaasha, maadama uu dhaqaalaha dunida saameyn balaaran ku yeeshay cudurka COVID-19.

WFP ayaa ugu baaqday dalalka deeq-bixiyayaasha ah, gaar ahaan Mareykanka, Canada, Midowga Yurub, Ingariiska, Japan iyo Sacuudiga in Hay’adda loogu yabooho Malaayiin dollar, si looga hortago macluul soo wajahday dadka kunool xeryaha qaxootiga Kaakumo iyo dhadhaab ee dalka Kenya.

Idilnews