Gaalkacyo: Booliska Puntland oo Lacag dul-dhigay Rag geystay kufsi wadareed

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirada saddex dambiile oo kufsi wadareed ka geystay magaaladda Gaalkacyo, kuwaas oo baxsaday.

Saddexdan dambiile oo magacyadoodu ay kala yihiin ‘Afay Cabdirashiid Cadceed, Khadar Cabdiraxmaan Feyte, iyo Cabdullaahi Aadan Guray’, ayaa Booliska Gobalka Mudug ay sheegeen in qofki soo sheega mid walba oo iyaga kamid ah in lagu abaalmarin doono lacag gaareysa $1,000 (Kun dollar).

Booliska Gobalka Mudug ayaa ku wargaliyay shacabka in qofkii arka dambiilayaashaas inuu lasoo xiriiro Numberka 90-5500000, isagoo isticmaalaya Call ka caadiga ah ama Adeegyada Internetka sida Whatsapp,Viber iyo Telagram.

Idilnews