Rooble oo amaawiir siiyay Taliska Booliska DFS iyo AMISOM (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Taliyaha Booliska Soomaaliya, Taliska Booliska AMISOM iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Kulanka ayaa looga hadlay fududeynta iyo amniga doorashada Aqalka Sare sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana faray Taliska Booliska DFS iyo AMISOM in la adkeeyo Amniga doorashada, lana dhowro dadka ka qeybgalaya.

Idilnews

Idilnews