Deni “KAAH waa Ururka magaca ka badalay dadkii la oran jiray barakacayaasha” (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay in in Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee KAAH uu fursad siiyay dadka barakacayaasha ahaa, kuwaas oo hada Ururku usoo sharaxay ka mid noqoshada golaha deegaan degmada Qardho.

Madaxweyne Deni oo fagaare ku yaala magaalada Qardho kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH oo isku soo bax maanta sameeyay ayaa sheegay in dadkii horey loogu yaqaanay barakacayaasha ay xaq u yeesheen inay wax doortaan, lana doorto.

“Urur Siyaasadeedka Kaah waa Ururka magaca ka badalay dadkii la oran jiray barakacayaasha, oo ka dhigay muwaadiniin reer Qardhood ah, waxaan rajeynayaa in maanta iyo mar horaba aysan barakac noqon doonin, waa muwaadiniin Reer qardhood ah, waa xubnaha Ururka Kaah” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Idilnews