Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dib uga soo laabtay safar todobaadyo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka dibediisa, waxaana uu tagay dalal ay kamid yihiin Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo uu kulamo kula qaatay madaxda dalalkaas, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo siyaasiyiin soomaaliyeed.

Idilnews