Maxay ka wada-hadleen Qoorqoor iyo Fahad Yaasiin ?

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Taliyihii hore ee NISA ahna La-taliyaha Amniga ee Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa xalay kulan ku qaatay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Qoorqoor ka degan yahay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa looga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, iyo loo soo afjari lahaa, sida ay Idilnews u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Axmed Qoorqoor ayaa loo arkaa wadaaga dhow ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, isagoona lagu eedeeyay dhowaan inuu si dhinac ka raran u waday dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble, taas oo soo dadajisay fashilka xalinta khilaafaadka labada Nin.

Idilnews