Maxay ka wada-hadleen RW Rooble iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Ugandha ? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba, kaas oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay howlgalada Ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Qoraal lagu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga mahadcelyay Gen.Muhorzi Kainerugaba kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.

Idilnews