Olalaha Ururrada siyaasadda oo maalintii 3-aad ka socda Puntland

Waxaa maalintii labaad ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn iyo deegaanada hoostaga olalaha Ururrada siyaasadda Puntland, kuwaas ay isku soo baxyo qabsanayaan taageerayaashoodu.

Olalaha oo bilowday shalay, ayaa waxaa lagu furay urur siyaasadeedka Horseed oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxaana olalihiisa maanta ka wada saddexda degmo Urur siyaasadeedka KAAH oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka gaaray magaaladda Qardho oo uu haatan uga qeybgalayo isku soo bax ay isugu yimaadeen taageerayaasha Urur siyaasadeedka KAAH.

Puntland ayaa markii ugu horeysay abid ay ka dhacaysaa doorasho qof iyo cod ah, waxaana si hordhac ah 25 bisha soo socota ee October ay uga dhacaysaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, iyadoo ay ku tartami doonaan 9 Urur siyaasadeed.

Idilnews