Siciid Deni oo qaatay kaarka codbixinta Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaatay kaarka codbixinta Doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Madaxweyne Deni oo goor-dhaweyd qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in magaalada Qardho uu ka qaatay kaarka codbixinta oo xaq u siinaya inuu codeeyo doorashada hordhaca ah ee loo madlan yahay 25 bisha soo socota ee October.

“Waxaan maanta qaatay kaarka codbixinta Kaasi oo xuquuq ii siinaya inaan codeeyo maalinta doorashada inshallah 25ka October 2021, la’aantiisna aan la codeyn karin.”

Siciid Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa sida ay shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn u muujiyeen doorkooda ku aadan hirgalinta hanaanka Dilmuquraadiyeynta Puntland.

“Waxaan boggaadinaya sida dadweynaha magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ay u muujiyeen doorkooda muhimka ah ee ku aadan horgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.”

Idilnews