Taliyaha Ciidanka Lugta Ugandha oo Muqdisho kula kulmay Farmaajo iyo Rooble

Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay oo soo gaaray Muqdisho ayaa maanta si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Lt. General Muhoozi ayaa waxaa dhalay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana imaanshihiisa maanta uu ku soo aaday xilli khilaaf uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Lama oga ujeedka booqashada saraakiishan ka socota dowlada Uganda ay ku yimaadeen dalka inuu la xiriiro sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xal u helida khilaafka ka dhexeeya madaxda dowlada federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hore ugu hanjabay in ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga dalka Soomaaliya inuu kala baxayo dalka Soomaaliya haddii aysan heshiis gaarin Madaxwyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Idilnews