Dowladda Soomaaliya oo Suudaan kala safatay Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan, isagoona ugu baaqay Jaamacadda Carabta inay oofiso ballanqaadkeeda taageero ee doorashooyinka Soomaaliya

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday hay’adaha dawliga ah ee sharciga ah ee Suudaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay Soomaaliya si dhammaysriran u garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay siweyn u taageereyso dowladda Suudaan oo haatan uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo dowladda Itoobiya.

Warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee lagula saftay dowladda Suudaan ayaa waxaa uu kusoobaadayaa xilli Afartii sano ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay saaxiib gaar ah la aheyd dowladda Itoobiya.

Idilnews