Madaxweynaha Jubbaland “Ra’iisal Wasaraha shaqo dacal la haysto ma qaban karo” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta khudbad uu kula wadaago xaaladahii u danbeeyay ee dalka u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha Dowlada.

Kulankan waxaa ka qeybgalay xubno katirsan labada gole ee Dowlada odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynahu wuxuu diirada ku saaray khudbadan dhinacyada Siyaasada, amaanka, masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland.

“Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacal la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax baneeyo, isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto Ra’iisul Wasaare Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax baneeyo shaqadiisa “. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Idilnews