Puntland oo dardar-gelinaysa Amniga Gobalka Gardafuu (Sawirro)

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Puntland Maxamed Cabdiqadir, ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Guud ee gobolka Gardafuu.

Wasiirka oo hawloshaqo ujooga Degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ayaa hal kaasi ka hadlay waxana uu sheegey in loo baahan yahay in kor loo qaado dakhli uruurinta Cashuuraha Barriga iyo Badda, maadama hada la gaari karo meel kasta oo Cashuuri ku baaqan jirtey.

Xisaabiyaha gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, ayaa sheegey in ay baahi-weyn u qabeen gaarigan, wuxuuna ballan qaaday in ay laba jibbaarayaan shaqada oo ay tagayaan Xeebaha iyo deegaanada fog-fog, waxana uu aad ugu mahad ceshey Wasiirka, waxaana uu sheegey in dalabkooda muhiimka ahaa laga jawaabay.

Baabuurta, ayaa muhiim u ah hawlaha cashuur qaadida, la’aantoodna horumar lagama sameyn karo kor u qaadida dakhliga waana talaabo horay loo qaaday.

Idilnews