Rooble oo ugu baaqay Madaxda DG inay bilaabaan Doorashooyinka Golaha Shacabka (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta khudbad u jeedinayay ergada iyo musharixiinta doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelinta doorashooyinka dalka, oo ku dhaca si xor iyo xaxaal ah, isagoona u soo jeediyay madaxda Dowlad Gobaleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka BJFS.

Hadalka Ra’iisul ayaa imaanaya iyadoo inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ku sugan yihiin xarumaha deegaanadooda, marka laga soo tago Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo magaalada Muqdisho ku sugan.

Idilnews