Sidee Ciidanka Madaxweynaha Puntland u dileen Maryan Caato ?

Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ku dilay bartamaha magaalada Garoowe Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.

Dilka oo dhacay abaaro 11:00 habeenimo ee xalay ayaa yimid kaddib markii gaari Taxi ah ‘Dhaweeye’ oo ay saarneyd marxuumada uu soo dhexgalay kolonyo ciidanka Madaxtooyadda Puntland ah oo galbinayay Madaxweyne Deni oo kasoo laabtay magaalada Qardho.

Madaxtooyadda Puntland ayaa dalbatay in la aaso marxuumada, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabila qoyska gabadha, si uu ugu tacsiyeeyo, uguna wareejiyo diyadeeda.

Idilnews