TOOS U DAAWO: Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi

Waxaa goor-dhaweyd ka bilowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho dhageysiga hadal-jeedinta Musharixiinta doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Goballada Waqooyi.

Munaasabadda khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kamid ah musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS.

Maalinta berri ayaa la qaban doonaa doorashada qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi,sida kursiga kowaad oo ay ku loolami doonaan Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo musharax dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen.

Idilnews