Akhriso: Maxaa ku qornaa dhambaalka adag ee Madaxweynaha Ugandha u soo diray Farmaajo ?

Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa dhambaal xambaarsan fariin adag u soo diray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ilo katirsan Villa Somalia u sheegeen Idilnews.

Dhambaalkan oo uu shalay soo gaarsiiyay Farmaajo Taliyaha ciidanka Lugta Ugandha ahna Wiilka Madaxweyne Museveni, Gen.Muhorzi Kainerugaba ayaa ku qornaa luuqad kulul, waxaana Yoweri uu u soo jeediyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu la heshiiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farahana kala baxo arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Sidoo kale, Yoweri Museveni ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in hadii laga waayo taas ay Ciidanka Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM faraha kala bixi doonaan masuuliyadda Amnigiisa, oo haatan si rasmi ah iyagu u xaqiijiyaan, sidoo kalena ay Ugandha kala shaqeynayso Beesha Caalamka in lala xisaabtamo.

Dhanka kale, Taliyaha ciidanka Lugta Ugandha Gen.Muhorzi Kainerugaba, ayaa waraaq soo gaarsiiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana uu Museveni u ballanqaaday Ra’iisul Wasaaraha in Ciidanka AMISOM, si gaar ah Ciidammada ka socda Ugandha ay kala shaqeynayaan xukuumaddiisa xil-gaarsiinta ah xaqiijin amniga iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni, ayaa ahaa garwadeenkii heshiiskii Kampala Accord ee sanadkii 2011-kii, uu ku baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii xilligaas, kaddib khilaaf la xalin waayay oo soo kala dhexgalay isaga oo dhinac ah iyo Madaxweynihii DKMG aheyd Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaankii 8-aad Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isku dhinac ah.

Shabakadda Idilnews ayaa ogaatay in Beesha Caalamka ay habeeno kahor u gudbisay Madaxweynaha Ugandha inuu wakiil uga noqdo xalinta khilaafka Madaxda DFS ee waqtigeedu dhamaaday, si looga baaqsado in khilaafkoodu uu sababo gacan ka hadal burburiyay dib-u-dhiska Soomaaliya, sidoo kalena horseeda dagaal sokeeye.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa marar badan fagaarayaal kala duwan ka dhaleeceeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona dhowaan ku hanjabay in ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga dalka Soomaaliya uu kala baxayo dalka, haddii aysan heshiis gaarin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dowladda Ugandha ayaa ah dalka Ciidammada ugu badan oo qeyb ka ah AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay gacanta ku hayaan Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya, Xarunta Warbaahinta Dowladda, Garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Muqdisho.

Idilnews