Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Hay’adda PHA

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Dein ayaa goor-dhaweyd xilka ka qaaday Guddoomiyihii Hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi.

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa maalmo kahor ku eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland inay leexsatay lacagtii loo qoondeeyay Hay’adda PHA inay ku hormariso waddooyinka Puntland, sidoo kalena laga jartay Hay’adda korontadii iyo biyihii dhaqaale la,aan darteed.

Madaxweyne Deni ayaa u igmaday Guddoomiye kuxigeenka PHA in si KMG ah uu u sii wado shaqada.

Halkaan hoose ka Akhriso wareegtada Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

DHAMMAAD

Idilnews