Guddiga Dib-u-habeynta Ciidanka Puntland oo gaaray Gaalkacyo

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib habeynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti oo haagimanyo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.

Waftiga Wasiirka waxaa Kamid ah Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRta Mudane Cabdisamada Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas. Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).

Booqashada guddiga ee Gaalkacyo ayaa daarran ka qayb galka Munaasabad Tababar loogu soo xirayo Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo muddo casharro kale duwen uga Socdey Dugsiga Gen. Carays ee Godod.

Idilnews