Booliska Garoowe oo soo qabtay Nin dilay sarkaal kamid ahaa Ciidanka PMPF

Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo xalay ku dilay duleedka magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Bootaan Maxamed Bootaan, oo ahaa sarkaal rayid ah oo katirsan Ciidammada PMPF Puntland.

Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Laanta-hawada oo ku yaalla duleedka magaalada Garoowe, waxaana la sheegay inuu yimid kaddib muran dhexmaray Ninka dilka geystay iyo Marxuum Bootaan.

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa sameeyay baaritaano, waxaana ay ku guuleysteen in gacanta kusoo dhigeen dilaaga oo markii hore goobta ka baxsaday. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in Ciidanku gacanta kusoo dhigeen ninka dilka geystay oo dhaawac ah.

Idilnews