QM oo ugu baaqday madaxda DG inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka BJFS

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa ku booriyay dowladda Faderaalka, Dowlad-goboleedyada dalka iyo guddiga doorashooyinka heer Faderaalka iyo heer Dowlad Gobaleedyada in ay si deg deg ah u soo dhamaystiraan doorashada golaha aqalka.

James Swan oo shalay ka qeyb galay Doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland ee ka dhacday Muqdisho ayaa sidoo kale maamuladda ka codsaday in la bilaabo doorashada golaha shacabka si dalku doorasho u galo ka dib bilo ay dib u dheceen doorashooyinka dalka.

Swan ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhameystirka doorashada kuraasta harsan ee Aqalka Sare, si loogu diyaar garoobo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa xubno ay u dhiman yihiin, marka laga reebo xubnaha shanta ah Aqalka Sare ee Somaliland oo la filayo in Maanta oo khamiis ah lasoo gaba-gabeeyo.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay oo dhawaan ka shiray xaaladda Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble in ay qabtaan doorashooyin aan dib u dhac lahayn.

Idilnews