Shacabka Dowlad deegaanka oo saaka u dareeray doorasho

Shacabka kunool dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta oo khamiis ah u dareeray goobaha cod-bixinta, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday

Doorashadan ayaa ah mid shacabka DDS ay ku dooranayaan Wakiillada ku matalaya Baarlamaanka heer dowlad deegaan iyo heer Federaal. Shacabka kunool caasimadda Jigjiga ayaa iyagu aroortii hore ee saaka xaadiran goobaha loo asteeyay codeynta.

Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirro lasoo qaaday ayaa waxaa lagu arkayay boqolaal dad oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday.

Idilnews