Xisaabiyaha gobalka Mudug oo la wareegay gaari cusub

Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan,ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug.

Wasiirka oo Hawlo shaqo ujooga Maalmahan Magaalada Galkacayo Ee Caasimada Gobolka Mudug Ayaa Madaasha Wareejinta Gaadhigan Ka Sheegay in Loo Baahanyahay in la Dardargeliyo kor uu Qaadista Dakhi Gobolka Mudug Gaadhigana uu waxbadan ka Tari Doono Dakhli Aruurinta.

Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaciil cabdinuur Geesey , ayaa sheegey in ay baahi-weyn u qabeen gaarigan, wuxuuna ballan qaaday in ay laba jibbaarayaan shaqada oo ay tagayaan deegaanada fog-fog, waxana uu aad ugu mahad ceshey Wasiirka, waxaana uu sheegey in dalabkooda muhiimka ahaa laga jawaabay.

Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa u Diyaarisay Goboladda Gaadid Loo adeeg sado arimaha canshuraha, si kor lagu qaado dakhliga Dowladda.

Idilnews